Welcome! This is a website that everyone can build together. It's easy!

HomeThis is a featured page









Wararka Maanta 24July 2006



Maxamed Qanyare Oo Xalay Ku Hooyday Magaalada Baydhaba. July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Maxamed Qanyare oo wata ilaa 8 gawaarida dagaalaka iyo 150 maleeshiyo ayaa deegaanka Waajid waxaa uga hor tagay xubno ka mid ah dowlada KMG ah ee Soomaliya oo ay ka mid yihiin xildibaan Balck iyo Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ay la socdeen maleeshiyo uu madaxweynaha Soomaaliya C.laahi Yuusuf Axmed u diray so galbinta Maxamed Qanyare Afrax.
Inkastoo Qanyare uu gaaraya waqti danbe oo xalay ahayd ayaa misna lagu soo waramay in si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhaba .iyadoo soo dhaweynta Qanyare ay ka duwaneyd sidii loo soo dhaweeyay xubnihii ay iskula jireen isbaheysigii bur buray ee gaaray magaalada Baydhaba.
Warar hoose ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed uu markii hore ka soo horjeeday laakiin markii dambe lagu guuleysatay in laga qanciyo,iyadoo saraakiil la socotay Maxamed Qanyare Afrax ay xaqiijiyeen in qaar ka mid ah gawaaridii looga soo tagay wadada ayna magaalada la galeen ilaa iyo 8 gaari iyadoo horay ay u ahaayeen ilaa 13 gaari.
Waxaa lagu wadaaa in saacadaha soo socda Maxamed Qanyare Afrax uu la kulmo sedexda mas`uul ee uga sareysa dowlada KMG ah ee Soomaaliya.,warar soo baxayana waxa ay sheegayaan in mas`uliyiinta ugu sareysa Dowlada ay ka warqabeen imaashiyahsa Qanyare,waxaana jiray wadahadal qadka taleevonka oo dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuuusf Axmed Iyo Maxamed Qanyare Afrax.
Maxamed QanyareWasiirkii hore ee amaanka qaranka ayaa lagu waramay in iminka la dajiyay xarun si aad ugu dhaw hoyga gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shjriid Xasan Shiikh Aadan.
Ma jiran wax war ah oo ka soo baxay dhanka xubnaha dowlada eeku aadan sida ay u arkaan talaabada uu magaalada Baydhaba ku yimid Maxamed Qanyare Afrax.
Banaabax Weyn Oo Looga Soo Hor Jeedo Fara Gilinta Ciidamada Ithobiya Ee Soomaaliya Oo Goor Dhaw Ka Bilaabanaya Magaalada Muqdisho. July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Banaabax balaraan oo lagu diidan yahay fara gilinta ciidamada Ithobiya ay ku hayaan gudaha Soomaaliya ayaa maanta ka dhacaya garoonka kubadda cagta Koonis ee degmada C/Casiis.
Qaban qaabada loogu jiro banaabaxaan ayaa ka soconaya qeybo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah.iyadoo shalay iyo xalay goobo kala duwna lagu arkyay baabuur ay ku xeren yihin sameecadaha codka baahiya kuwaasi oo dadka loogu sheegayay in ay ka soo qeyb galaan banaabaxaasi.
Banaanabaxaan looga soo hor jeedo fara gilinta ciidamada Ithobiya ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xubno isugu jira golaha maxaakimta Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah wax garadka ku dhaqan gobalka Banaadir.
Cabaas Caydiruus oo ka mid ah mas`uuliyiin qaban qaabineysa banaabaxan ayaa sheegay in guud ahaan ay ka soo qeyb galayaan bulshada isla markaana lagu taageerayo maxaakimta Soomaaliyeed.
Banaabaxyada looga soo horjeedo fara gilinta Ithobiya ayaa dhwaanahana ka dhacayay gobalka Banaadir iyo goabalada dalka Soomaaliya iyadoo banaabaxii ugu dambeeyay ee looga soo hor jeeday fara gilinta Ithobiya uu magaalada Muqdisho ka dhacay maalintii doraad

Qiimihii Lagu Raaci Jiray Gaadiidka BL-ka Ee Ka Shaqeeya Muqdisho Iyo Afgooye Oo Uu Hoos U Dhac Ku Yimid.
July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Waxaa hoos u dhac weyn uu ku yimid qiimaha lagu raaco gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye tan iyo markii maxaakimta ay la wareegeen gacan ku haynta wadadaasi .
Sedex kun ilaa afar kun lacag gaareysa ayaa iminka lagu raaca gaadiidka ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye halka markii hore lagu raaci jiray qiimo dhan 10 kun ilaa iyo 15kun ,iyadoo qiimahaasi sida aadka u sareeyay ay ugu wacneyd jidgooyooyin aad u fara badan oo halka ayiilay.
Adan Cabdi Cali oo ah darawal ka shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa tibaaxay in xiligii maleeshiyooyinka kale ay fadhiyeen halkaasi ay ku qabeen dhibaatooyin aad u xoogan oo joogta ahaa balse iminka uu isbadal weyn uu ku yimaaday wadadaasi.
Aadan waxa uu intaa ku daray in macamilka ciidamada maxaakimta uu yahay mid si aad u wanaagsan ,waxa uuna intaa ku daray in wadadadaasi ay ka shaqeeyaan ilaa 100 gaari oo nooca la yaqaan caasiayada ah kuwaasi oo qaarka mid ah halkaa uga shaqeyn waayay dhibaatooyinkii halkaa ka jiray.
Ilaalada Xabsiga Janaale Oo Dhaawacay Maxbuus Isku Dayay In Uu Baxsado. July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Ciidamada amaanka ee xabsiga degaanka Janaale ee gobalka shabeelada hoose ayaa dhaawacay mid ka mid ah maxaanbiistii ku jirtay xabsiga ka dib markii uu isku dayay in uu ka baxsado xabsiga.
Saciid Xuseen Axmed oo ah taliye ku xegeenka saldhiga Janaale ayaa sheegay in sababta uu u dhaawacmay maxbuuskaani ay tahay ka dib markii uu isku dayay in uu qoriga ka fara maroojisto mid ka mid ah ilalaada isla markaana uu ula soo baxay aalada loo yaqaan tooreyda.
Taliye ku xegeenka saldhiga Janaale ee gobalka Shabeelada Hoose waxa uu tibaaxay in maxbuuska iminka la dhaawacay uu horay ugu xernaa dambiyo ah dilal uu horay geystay
Dhaawaca soo gaaray maxbuuska ayaa lagu soo waramay inuu yahay mid culus ,waxaana lagu daweynaya cisbitaalka magaalada Marka .
Ma ahan markii ugu horeysay oo maxaabiis ku jirta xabsiga Janaale iyo guud ahaan shabeelada hoose ay isku dayaan in ayu baxsadaan .
WFP Oo Gar Gaar Cunno Ah Ka Qeybineysa Deegaano Ku Yaal Gobalka Geddo.
July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Hay`adda WFP ayaa qeybinta deeq raashiin ah ka bilaawday deegaano ka tirsan gobalka Geddo halkaasi oo ay ku noolyihiin boqalaal qoys oo aan weli ka soo kaban raadadkii abaaraha ee ku dhuftay gobalkasi.
Deeqdaan gar gaarka ah oo gareysa boqalaal kiish oo a y gacan ka geysatay Hay`adda WFP ayaa lagu soo waramay in la gaarsiiyay boqalaal qoys oo ku dhaqan deegaano hoos yimaada degmada Buurdhuubo ee gobalka Geddo.
Deeqdaan oo isugu jirta boorsha ,misir iyo saliid ayaa la gaarsiiyay degaano ay ka mid yihiin Malkaari,mashruuca iyo golweyn .
Dhinaca kale warar iyana naga soo gaaray deegaanka Ceelwaaq ayaa ku waramaya in halkasi cuna qeybin ay ka wadaan hay`adda Care ,iyadoo qoysaskaani ay yihin kuwa ay sameyn ku yeesheen abaarihii dhawaan ku dhuftay gobaladaasi.
Hay`adahaani ayaa horay cuna qeybin uga sameeyn deegaano ku yaal koonfurta iyo waqooyiga gobalka Geddo.
Xubna ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo maanta war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Muqdisho. July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Xubna ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya mid xadgudub ku ah qorshaha xasilinta wadanka ee uu baarlamaanka ansaxiyey.
Xubnahan oo maanta war saxaafadeed ka soo saaray magaalada Muqdisho ayaa tiradooda waxa ay aheyd ilaa 16 xildhibaan kuwaas oo qaarkood ay Muqdisho ka maqan yihiin, waxa ayna sheegeen in soo gelitaanka ciidamada Itoobiya gudaha Soomaaliya ay tahay xadgudub loo geystay gobonimada Soomaaliya islamarkaana ay dhan ka tahay xeerka iyo xiriirka dowliga iyo darisnimada.
Sidoo kale xildhibaanadan ayaa sheegay inay ka soo horjeedo qorshaha xasilinta Soomaaliya ee baarlamaanka uu ansaxiyey.
Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil oo ka mid ah xildhibaanada soo gaaray magaalada Muqdisho soona saaray warsaxaafadeedkan ayaa sheegay in aaney jirin cid horumar ku gaari karta rabitaanka ciidamo shisheeye.
Xildhibaanadan maanta Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeedka ayaa waxaa ka mid ahaa
Xildhibaan Cali Calas Qaarey.
Xildhibaan Yuusuf Mire Seyraar.
Xildhibaan Axmed C/raxmaan Maxamed.
Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali .
Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame.
Xildhibaan Axmed Ducaale Geele Xaaf, iyo kuwa kale.
Xildhibaanadan ayaa beesha caalamka waxa ay ka codsadeen in lagu cadaadiyo dowladda Itoobiya inay kala baxdo ciidamadeeda gudaha dalka Soomaaliya, waxa ayna beesha caalamka ka codsadeen in arrinta Soomaaliya lagu dhameeyo wadahadal nabadeed islamarkaana la nooleeyo wada xaajoodkii Khartuum ee u dhaxeeyey dowladda fedraalka KMG ah iyo golaha maxaakiimta Soomaaliyeed.
Xildhibaanadan ayaa iyaga qeyb ka ah xildhibaano hore u diidanaa in baarlamaanka uu ansaxiyo keenista ciidamo shisheeye balse arrintan ayaa waxa ay dhaceysaa xilli xildhibaanadan ay ka soo tageen magaalada Baydhabo oo fariisinka u ah dowladda KMG ah iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho.
Mas'uul ka tirsan safaarada Britain ee magaalada Nairobi oo sheegay in faragalin kasta oo siyaadin karta xiisadaha inay keenayso dhibaato hor leh. July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Mas'uul ka tirsan safaarada Britain ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in faragalin kasta oo siyaadin karta xiisadaha inay keeni karto dhibaato hor leh.
Mr. David Bell oo wareysi gaar ah caawa siiyey HornAfrik isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in faragalin kasta taas oo xiisadaha sii siyaadin karta ay sababi karto dhibaato hor leh oo dalka Soomaaliya ku timaado.
Mr. Bell waxa uu sheegay in qof kasta oo Soomaaliya arrimaheeda daneenaya inuu ka shaqeeyo nabadda Soomaaliya.
David Bell waxa uu sidoo kale ugu baaqay dhinacyada maxkamadaha iyo dowladda in xiisadaha ay joojiyaan islamarkaan ay ka dheeraadaan talaabo milatari wax kasta oo jirana lagu xaliyo wadahadal, waxa uuna ku baaqay in la taageero kulanka nabadda Qartuum kaas oo uu sheegay inuu yahay hanaan dib u heshiisiineed islamarkaana lagu xalin karo khilaafka u dhaxeeyo maxakamadaha iyo dowladda KMG ah.
Mr. Devid Bell mar ay HorAfirk waxa ka weydiisay in ciidamo Itoobiyaan ah gudaha dalka Soomaaliya ay soo galeen islamarkaana dhibaato ay ku hayaan dalka taana ay qeyb ka noqotay inay dhabarka ka jabiso kulankii nabadda ee la filayey inuu Khartuum ka dhaco ayaa sheegay in wararka sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha Soomaaliya ay yihiin kuwa ay maqleen hase ahaatee aaney xaqiijin karin markaana ay qalad noqoneyso in arrimhaas uu ka faaloodo oo uu warbaxin ka bixiyo.
Devid Bell ayaa mar kale waxa uu ku celiyey in loo baahan yahay in kooxaha Soomaalida ay ka faa'iideystaan fursada kulanka Khartuum oo uu sheegay inay tahay mid lagu badbaadi karo.
Soo gelitaanka ciidamada Itoobiyaanka gudaha Soomaaliya oo soo badaneysay muddooyinkii ugu dambeeyey ayeysan jirin dowlad ka tirsan beesha caalamka oo arrimhaas ka hadasha inkasta oo dowladda Jabuuti oo IGAD xubin ka ah ay sheegtay in loo baahan yahay in dhibaatada Soomaaliya dhexdeeda lagu xaliyo, hase yeeshee faragalin shisheeye ay dhibka sii hurin karto.
Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo Maxamd Qanyare Afrax oo maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Baydhabo. July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Saynab Abuukar Maxamed “Baydhabo”
Guddoomiyaha baarlamaanka fedraalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan iyo Maxamd Qanyare Afrax oo xubin ka ahaa isbaheysigii burburay ayaa kulan gaar ah ku yeeshay maanta hoyga laga dajiyey Maxamed Qanyare magaalada Baydhabo.
Inkasta oo aan la ogyen waxa ay ka wadahadleen wasiirkii hore ee ammaanka Qaranka Maxmed Qanyare iyo Afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan ayaa kulankooda waxa uu socday muddo soddon daqiiqo ah.
Guddoomiyaha ayaa ugu yimid Maxamed Qanyare hoyga laga dajiyey magaalada Baydhabo oo isaga wax yar u jirta.
Maxamed Qanyare oo ka tirsanaa isbaheysigii la dagaalanka argagaxisada oo maxaakiimta ka itaal roonaadeen ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo isogoo watay gaadiidka dagaalka oo gaaraya Sideed Gaari iyo 150 maleeshiyo ah inkasta oo qaar ka tirsan gaadiidka ay wadada kaga soo qalibmeen.
Xildhibaan Maxamed Qanyare oo habeen hore ku hoyday deegaanka Teyglow ee gobolka Bakool ayaa shalay waxaa degmada Waajid kaga hortagay xildhibaano baarlamaanka ka tirsan oo ay wehliyaan saraakiil uu u diray madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf kuwaas oo xalay u soo galbiyey magaalada Baydhabo.
Maxamed Qanyare ayaa maanta waxaa guriga uu degan yahay ku booqday xubna isugu jira wasiiro iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan oo qaarkood ay ahaan jireen isku mabd'a xiligii dowladda ay labada garab aheyd.
Qanyare ayaa ka gaabsaday in xilligan uu Saxaafadda la hadlo balse waxaa wajigiisa ka muuqday farxad inkasta oo laga dareemi karay daalka mudada uu wadada ku soo jiray.
Maxamed Qanyare ayaa inta aanu Baydhabo imaan waxa uu muddo ku suganaa tuulada Deri ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo xitaa maxkamadaha Islaamiga ay ku wareereen.
Qanyare ayaa ahaa mas'uul si weyn uga soo horjeeday xilligii dowladda ay kala qeybsaneed in ciidamo Itoobiyaan ah la keeno dalka, waxa uuna madaxweyne C/laahi yuusuf u arkayey Maxamed Qanyare Nin siyaasada dowladiisa caqabad ku ah.
Ka hor imaatinka Maxamed Qanyare ee magaalada Baydhabo waxaa ka soconayey kulano ay albaabada u xiran yihin oo ay lahaayeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyagoo waxyaabaha ay ka hadlayeen uu ka mid ahaa sidii Maxamed Qanyare uu magaalada Baydhabo ku imaan lahaa.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa markii hore ka soo horjeestay in Maxamed Qanyare gabi ahaanba tiknikadiisa magaalada uu la yimaado, inkasta oo markii dambe lagu guuleystay in Maxamed Qanyare gabi ahaanba uu gaadiidkiisa la soo galo.
Imaatinka Maxamed Qanyare ee magaalada Baydhabo ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin magaalada.
Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo faragalinta Itoobiya ay ku hayso gudaha Soomaaliya islamarkaana lagu gubay calankeeda ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. July 24, 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo faragalinta ciidamada Itoobiya ay ku hayaan gudaha Soomaaliya islamarkaana lagu taageerayey ku dhaqanka shareecada Islaamka ayaa maanta lagu qabtay garoonka Istaadiyo Koonis ee magaalada Muqdisho.
Banaanbaxan oo ay ka soo qeybgaleyn kumanaan qof oo isugu jira Rag iy Dumar ayaa looga soo horjeeday ciidamada Itoobiya ee la sheegay inay soo galeen meela ka mid ah dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale lagu taageerayey arrimaha ku dhaqanka sharecada Islaamka.
Dadka banaanbaxa ka soo qeybgalay qaarkood oo shacauurtooda aad u kacsaneyd ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halku dhiyo ay ka mid ahaayeen “Kala qoqobkii waa dhamaaday, waxaa lagu midoobay diinta Islaamka, Itoobiya waa cadow soo jireen ah” iyo ereyo kale oo ka tarjumaya ujeedada banaanbaxa maanta uu ku saleysnaa.
Guddoomiyaha guddiga fulinta ee golaha maxaakiimta Islaamiga Sh. Shariif Sh. Axmed oo ka hadlayey banaanbaxaas ayaa sheegay in Itoobiya oo dhan aaney imminka Soomaalida aysan dagaal kula jirin balse waxa dhibaatada ku haya ummadda Soomaaliyeed ay yihiinn laba qolo oo midooda ka gaabsaday inuu sheego halka mida kale uu ku sheegay inuu yahay Qabiilka Tigreega ee uu ka dhashay Ra'isal wasaaraha dalkaas Mele Zenaawi.
Guddoomiyaha guddiga fulinta maxakamadaha Sh. Shariif Sh. Axmed waxa kale oo uu xusay in ciidamada maxaakiimta ay isu qeybiyeen laba qeybood oo kala ah qeyb ammaanka gudaha loogu talagalay inay sugaan iyo qeyb loo diyaariyey howlaha difaaca dalka.
Banaanbaxa ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay mas'uuliyiin ka tirsan maxaakiimta Islaamiga oo uu ka mid yahay guddoomiyaha maxkamada Albayaan Sh. Mukhtaar Roobow oo sheegay in aaney marnaba ogolaaneyn in dowladda Itoobiya ay gobolada Bay iyo Bakool ka dhigato Kilinka Lixaad oo iyada ka taliso.
Banaanbaxa ayaa sidoo kale waxaa ereyo Suugaan oo dowladda Itoobiya ka dhan ah halkaas ka mariyey qaar ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Abshir Nuur Faarax Bacadle, Cismaan C/laahi Guure iyo Taakow Macalin Ciise, waxaana intii uu soconayey banaanbaxii maanta si weyn loo adkeeyey ammaanka garoonka uu ka dhacayey banaanbaxa, iyadoo la arkayey gawaari Tikniko ah oo maxkamadaha leeyihiin kuwaas oo garoonka ku wareegayey.
Gabagabadii banaanbaxa ayaa bartamaha garoonka lagu gubay calanka Dalka Itoobiya iyadoo cuilamadii calankaas gubayey ay lugaha ugu xirnaayeen calanka dalka Mareykanka gaar ahaan midka gobolka Taxsis oo ah gobolka dhalasho ahaan uu ka soo jeedo madaxweynaha dalka Mareykanka Bush, waxaana xusad mudan in garoonka Isaatidiyo Koonis ay tahay markii ugu horeysay oo maxaakiimta banaanbax ku qabtaan iyadoo garoonkaas ay hore gacanta ugu hayeen hogaamiyaashii ka tirsanaa isbaheysigii burburay ee la dagaalanka argagaxisada waxaana mudadii ay Ragaas garoonka gacanta ugu hayeen halkaas hore loogu gubay calanka dalka Masar.
DAAWA SAWIRADII BANAANBAXII MAANTA






BBC Somalia Iftiinka-aqoonta
Hiiraan Online
Burtinle.com
Somaliawatch.com
Somaliawatch.org Somalilandnet.com
Ceelbuurnet
STN-TV.NET
Dayniile
Somali Weyn
Marka Caddeey
UN-Somlia
Kenyan Somali Community
Galbeed
Arlaadinet

Banadir
www.stnfm.com
SomaliUK.com
Somalitalk.com

SomaliNet
onkod.net
Burtinle.com
somalimedical
www.osmanart.net
www.buluugleey.com
Radiogarowe
Somali Swiss Comunity
Somaliawatch.com
Somaliawatch.org Somalilandnet.com AllPuntland
STN-TV.NET
Dayniile
Somali Weyn
Marka Caddeey
UN-Somlia
Kenyan Somali Community
Galbeed
Arlaadinet

Jubbaland
Banadir

SomaliUK.com
Somalitalk.com

SomaliNet


News Papers

Pacemagazine
Qaran Press

Somali Press
Warsan Times
Jamhuuriya
Ayaha Nolosha
Elektaroonig
Ayaamaha

East African Standard
Daily Nation of Kenya
Addis Tribune
African Newspapers Arab News

Somali Radio

Somali TV
Radio DALJIR
Radiofreesomalia
Ka Dhageyso Qur'aan
Radio Warsan
Radio Somali Copehagendio
Sahan London

Radio Hargeysa
Radio Hadhwanaag
Radio Galkacyo
Radio Banadir
Codka Soomaaliyeed
Somali radio (Sweden)
Somali radio (USA)
Tvsomalilandeurope
Somali radio(DR) 10:50
Somali radio(DR) 17:30
Somali swiss radio
Radio Dalmar
Radio Golis
Radio Xoriyo
OOG RADIO
Sagal radio
Qaran. Radio
radiolascaanod
Focus on africa
Channel Africa







Ergyga gaarka xoghayaha guud ee Q/M u qaabilsan arrimaha Soomaaliy Mr Fall. iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
July 25 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Wefdi ka kooban Afar xubnood oo uu hogaaminayo ergyga gaarka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliy Mr Fall.oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay mas'uuliyiinta golaha maxaakiimya Islaamiga.
Wefdiga oo lagu soo dhaweeyey hoteelka Ramadan ayaa waxa ay halkaas isku kacan qaadeen guddoomiyaha guddiga fulinta maxakmadaha Islaamiga Sh. Shariif Sh. Axmed iyadoo xubnaha wefdiga iyo maxakamadaha Islaamiga ay yeesheen kulan gaar ah.
Wakiilka xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Mr. Fall ayaa ujeedada socdaalkiisa ay la xiriirtaa sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dowladda fedraalka iyo maxkamadaha Islaamiga islamarkaana uu u suurtagali lahaa qabsoomida kulanka iyo wadahadalka shirka Khartuum oo la filayo in labada dhinac uu ka dhaadhaciyo wakiilka xoghahayaha guud ee Q/M u qaabilsan arrimha Soomaaliya.
Wefdigan Qaramada Midoobay ka socda ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa hore waxay u soo mareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay halkaas oo ay kula soo kulmeen madaxwynaha dowladda fedraalka C/laahi Yuusuf iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda kuwaas oo ay isla soo qaadeen xaaladda Soomaaliya iyo sidii dowladda uga qeyb gali laheyd shirka Khartuum.
Wefdigan ayaa ah markii ugu horeysay oo ay yimaadaan magaalada Muqdisho tan iyo markii uu isbadalka ka dhacay gobolka Banaadir oo maxkamadaha ay la wareegeen.
Mas'uuliyiinta sare ee dowladda oo isku afgartay in wadahadalka magaalada Khartuum loo diro ilaa iyo 15 xubnood oo isugu jira labada gole kaas oo uu horkacayo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan.
Mas'uuliyiinta sare ee dowladda oo ogolaaday inay ka qeybgalaan shirka Khartuum. July 25 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Mas'uuliyiinta sare ee dowladda oo isku afgartay in shirka Khartuum loo diro wefdi uu hogaaminyao guddoomoyaha baarlamanka.ayaa isku afgartay in wadahadalka magaalada Khartuum loo diro ilaa iyo 15 xubnood oo isugu jira labada gole kaas oo uu horkacayo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan.
Madaxweynaha dowladda KMG ah C/laahi Yuusuf, guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra'isal wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa lahaa labadii maalin ee ugu dambeysay kulamo ay albaabada u xiranaayeen loogana arrinsanayey wadahadalka Khartuum iyo xubnaha dowladda kulanka u matali lahaa.
Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa sida ay ii xaqiijiyeen illo ku dhow dhow qoraal u diray madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo uu ku caddeenayo diyaar u ahaanshaha kulanka dowladda iyo waqtiga ay tagayaan inkasta oo madaxda dowladda ay ku heshiiyeen 15-ka xubnood in kulanka loo diro ayaa misna waxaa jira khilaaf ka taagan shaqsiyaadka ay noqonayaan oo madaxweynaha iyo guddoomiyaha oo dhinac ah uu Ra'isal wasaare Geeddi ka fakir duwan yahay.
Wefdiga dowladda KMG ah ee kulanka Khartuum u matali lahaa ayaa la filayaa in ka hor 1-da bisha soo socota ay tagaan magaalada Khartuum.
Wadahadalka Khartuum ayaa hore waxaa ugu kala aragti duwanaa saddaxda mas'uul ee dowladda KMG ah iyadoo kulamo iyo dadaaalo kadib lagu heshiiyey.
Kulanka ayaa la filayaa inuu ka dhaco Khartuum 2-da bisha soo socota uu yahay midkii dhicisoobay 15-ka bishan aynu ku jirno kaddib markii dowladda ay sheegtay inay ka fiirsaneyso wadahadalka maxaakiimta Islaamiga.
Wefuuda maxaakiimta u matali lahaa shirkaas baaqday ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Wefdigii golaha Maxaakiimta ee tagay magaalada Khartuum oo galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho. July 25 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Wefdigii golaha maxaakiimta ee tagay magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii kulanki la filayey in halkaas uu ku dhexmaro iyaga iyo dowladda uu dib u dhac ku yimid.
Wefdigan oo galabta ka soo dagay garoonka diyaardaha ee Cisaley ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ahaa wafdigii golaha maxaakiimta u matalayey shirkii labaad ee dib u heshiisiinta oo la filayey in maxaakiimta iyo dowladda fedraalka uu ku dhexmaro magaalada Khartuum ee dalka Suudaan.
Prof Ibraahim Xasan Caddow oo ahaa madaxii wefdiga maxaaakiimta shirka Khartuum u hogaaminayey oo galabta shir jaraa'id ku qabtay xarunta golaha maxaakiimta ayaa sheegay inay ka soo baxeen balantii shirkii Khartuum oo ay tageen waqtigii loogu talagalay balse waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in dowladda fedraalka ay ka baaqsatay ka qeybgalka shirkaas.
Sidoo kale Prof Ibraahim Xasan waxa uu ka warbaxiyey intii ay Khartuum ku sugnaayeen inay kulamo la yeesheen madaxda jaamacada carabta iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Suudaan.
Prof Ibraahim Xasan Caddow mar wax laga weydiiyey in mar kale ay dib ugu laabanayaan magaalada Khartuum si wadahadal ay ula galaan dowladda fedraalka ayaa sheegay in aaney wax wadahadal ah la galeyn dowladda fedraalka inta ciidamda Itoobiya ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
Soo noqashada wefdigan ayaa ku soo beegmatay iyadoo saacado yar ka hor magaalada Muqdisho ay soo gaareen wefdi ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo Mr. Fall oo ah wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayna ka wadahadleen golaha maxaakiimta sidii mar kale la isugu dayi lahaa in la isku soo hor fariisiyo dowladda KMG ah iyo golaha maxaakiimta.
Golaha maxaakiimta Islaamiga oo sheegay in aaney ka qeybgaleyn shirka Khartuum ilaa inta dowladda Itoobiya faragalinta ku heyso arrimaha Soomaaliya. July 25 2006 Horn Afrik, Muqdisho , Somalia
Golaha maxaakiimta Islaamiga ayaa sheegay in aaney ka qeybgaleyn shirka Khartuum ilaa inta dowladda Itoobiya faragalinta ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Hadalkan ayaa waxa uu ka soo baxay guddiga fulinta ee golaha maxaakiimta Islaamiga kaddib markii maanta xarunta maxkamadaha ee magaalada Muqdisho kulan kula yeesheen ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Fall iyo wefdi uu hogaaminayo oo maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Ergeyga gaarka ee Q/M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Fall ayaa kulankii uu maxkamadaha la yeeshay waxa uu u soo jeediyey maxaakiimta codsi la xiriira inay ka qeybgalaan wajiga labaad ee shirka Khartuum oo Qaramada Midoobay ay qorsheysay inuu dhaco 1-da -2-da bisha August.
Mr. Fall waxa kale oo uu sheegay in Qaramada Midoobay ay aad u daneeneyso in xal laga gaaro arrinta Soomaaliya, waxa uuna golaha maxaakiimta ku dhiirigaliyey inay sii wadaan hanaankii nabadda ee Qartuum.
Mr. Fall ayaa sidoo kale sheegay in arrinta ciidamo shisheeye oo yimaada Soomaaliya ay ku jirto gacanta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay maadaama Soomaaliya weli ay saaran tahay cunaqabatentii hubka.
Ambassador Fall ayaa sidoo kale sheegay in makii dib u heshiisiinta ay ka bilaabatay dalka Soomaaliya ciidamo ka socda wadamada safka hore ay ahaayeen waxyaabaha qeybin jiray dalka Soomaaliya Qarmada Midoobayana ay la socoto arrintaas, waxa uuna intaas raaciyey in haddii aysan mas'uuliyiinta Soomaaliyeed isku raacsaneyn inaysan suurtagalin doonin in ciidamo shisheeye ay yimaadaan dalka Soomaaliya.
Gudoomiyaha guddiga fulinta golaha maxaakiimta Islaamiga SH. Shariif Sh. Axmed oo isagana kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin inay ka qeybgalaan shirka Khratuum ilaa inta dowladda Itoobiya ay faragalinta ku heyso arrimha gudaha ee Soomaaliya.
Sheekh Shariif Sh. Axamed ayaa wefdiga Qaramada Midoobay u soo bandhigay mowqifka siyaasadeed ee maxkamadaha Islaamiga iyo isbadalkii ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulankaas kadib ergeyga Q/M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Fall iyo guddoomiyaha guddiga fulinta ee golaha maxaakiimta Sh. Shariif Sh. Axmed waxa ay qabteen shir jaraa'id iyagoo sheegay inay isaga soo dhawaadeen waxyaabihii ay ka wadahadleen.
Sheekh Shariif ayaa sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal iyo nabad iyo in xal laga gaaro arrinta Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddiga fulinta golaha maxaakimta mar wax laga weydiiyey in la oran karo maxkamadaha waa ka qeybgalayaan shirka Khartuum bisha soo socota taas oo ah mid ay aad u daneeneyso Qaramada Midoobay ayaa sheegay in arrimhaas uu kala tashan doono wefuuda maxkamadaha Islaamiga ee Khartuum ka soo laabtay.
Wefdiga Qarmada Midoobay ayaa maanta soo maray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho iyadoo ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsam arrimha Soomaaliya uu sheegay in indhahiisa uu ku arkay isbadal nabadeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Sanadkii hore markii aan imid Muqdisho meel duur ah ayaa la igu dajiyey balse maanta magaalada Muqdisho qeyba ka mid ah ayaan tagay” ayuu yiri Mr. Fall oo ka hadlayey isbadalka u muuqda, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo uu Muqdisho yimaado tan iyo markii maxkamadaha la wareegeen awoodii Muqdisho.
Wefdigaas ka socda Qaramada Midoobay oo ka koobnaa Afar xubnood ayaa galabta waxay dib ugu laabteen magaalada Nairobi ee dalka Kenya .
news suugaanta sports chat










Posted Anonymously Latest page update: made by Anonymous , Jul 27 2006, 5:44 AM EDT (about this update About This Update Posted Anonymously shucaac - anonymous

2645 words added
17 images added

view changes

- complete history)
More Info: links to this page

Anonymous  (Get credit for your thread)


There are no threads for this page.  Be the first to start a new thread.